Madaxweynaha dalka Suudan Cumar Xasan Albashiir iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka itoobiya ayaa ku kulmay magaaalda addis abab ee Caasimadda dalka itoobiya, waxay ka wadahadleen xidhiidhka labada waddan iyo sidii xal Loogu Raain Lahaa Dhibaatooyinka Tirada Badan ee Ka Jira Xadka ay Wadaagaan Labadda Waddan ee Jaarka ahi.

Labada Hogaamiye oo kulmay maalintiii isniinta Kadib Shir Madaxeedkii Hogaamiyeyaasha Afika ee Magaalada Addis Abab Waxay ku Heshiiyeen in la sameeyo Guddi Xal Ka Gaadha Arimah Xadka Labadda dal.

Inkasta oo xukuumadaha Adiis iyo Khartuum ay leeyihiin Xidhiidh Wanaagsan Hadana Xadka Labada Waddan ayay Muddo Dheer Ka jireen Xiisado badani maadaama oo uu ku caanyahay Tahriibka dadka iyo Alaabta Sharci Daradda ah. Kumanaan Qof oo Beegsanaya Dalalka Liibiya iyo masar ayaa marka Xadka u Dhexeeya Labadda Waddan ee Suudan iyo itoobiya soo Gaadhaan Kala Kulma Dhibaato Xoogan, Taasina waa Sababta Dhalisay Degenaansho La’aanta ka jirta xadka.

Dhanka kale, Beeralayda itoobiya ayaa ku eedeeysa Beeralayda Suudaan in ay Ku Xadgudbaan, isla markaana ay ka qabsadeeen dhulbeered ballaadhan.

Bishii augus ee snadkii ore ayay ciidmada xadka ee labada wadan kala saxeexdeen heshiis ay ku klaa durkayaan, isla markaana ay ku smynayaan ciidandhex ah oo la dagaalama argagixisada, tariibka sharcidarada ah iyo alaabta kootarabaanka ah.

Cumar Albashiir iyo Abiy ahmed ayaa sidoo kale isla soo qaaday dedaalada iskaashi ee wadamda Gobolka iyo dibu Heshiisiinta ka socota Dalalka Koonfurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Afrikada dhexe.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga