Ra’iisal Wasaare Ku Xigeeenka Dawladda Federaalka Itoobiya, Demeke Mekonnen, oo Booqasho Rasmi ah Ku Jooga Dalka Sudan ayaa Magaalada Caasimada ah ee Khartuum Kula Kulmay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Albashiir.

Mekonnen, oo Kulanka Kadib Warbaahinta La Hadlay ayaa Xusay in Madaxweynaha ay Ka Wada Hadleen Sidii Loo Xoojin Lahaa Xidhiidhka Labada Dal ee Jaarka ah.

Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ayaa Intaa Ku Daray in Labada Dawladood ay Gudi u Saareeen Fulinta Qodobada ay Ku Heshiiyeen, Gudida ayaa Sidoo Kale Ka Shaqaynaysa Iskaashiga Labada Dal, is-Dhaafsiga Khibradaha iyo Qiimaynta Arimaha Xaadka.

Intii Kulanka Lagu Jiray, Madaxweyne Albashiir ayaa Qiray Xidhiidhka adag ee u Dhexeeya Dalkiisa iyo Dalka Itoobiya, isagoo Hoosta Ka Xariiqay in Loo Baahanyahay in ay iska Kaashadaan Dhinacyo Badan.

Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalka Sudan Dr. Dardari Mohamed Ahmed, ayaa Dhankiisa Tibaaxay in Kulanka Lagu Lafa-guray Danaha Wadajirka ee Labada Dal.

Labada Dhinac Waxay isla Qireen Muhiimada ay Leedahay in ay Sameeyaan gudi Ka Shaqeeya arimaha Xadka.

Dhanka Kale Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Itoobiya ayaa Dadka Reer Sudan uga Tacsiyeeyay Diyaaradii Dhawaan Ku Burburtay Dalka Sudan, oo Galaaftay Nolosha 7 Qof oo uu Ku Jiro Badhasaabkii Gobolka Alqadaarif.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga