Dawladda sucuudiga ayaa sheegtay in aanay diyaar u ahayn dagaal ka dhaca gobolka, balse ay ka jawaabi doonto wax ay ku tilmaantay falal daandaansi ah. Kadib weerar todobaadkii tagay lagu qaaday laba ka mid ah maraakiibteeda qaada saliidda.

Xukuumadda riyaad ayaa dawladda iran ku eedaysay in ay amartay weerarkii diyaaradaha dronka lagu fuliyay ee lagu qaaday mid ka mid ah ceelasha shidaalka ee dalka ugu wayn wadamada bariga dhexe, waa sucuudiga e’.

Weerarkaa waxa masuuliyaddiisa sheegatay kooxda ay badhi-taarto dawladda iran ee xuutiyiinta dalka yemen.

Dawladda iran ayaa iska fogaysay in ay wax ka ogayd weerarada lagu qaaday maraakiibta sucuudiga iyo ceelashiisa.

Eedaynta dawladda sucuudiga ayaa imanaysa xili laga cabsi qabo dagaal dhex mara dawladaha maraykanka iyo iran oo khliaafkoodu uu sii xoogaysanayay tan iyo markii ay xukuumadda washington cunaqabataynta cusub kusoo rogtay dhaqaalaha iyo saliida dalka iran.

Maraykanka ayaa xoojiyay miltarigiisa ku sugan biyaha khaliijka carabta iyo gobolka bariga dhexe. Maalintii shalay ayuu digniin siiyay diyaaradaha rakaabka ee mara hawada khaliijka carabta, oo sida uu sheegay lagu khaldami karo ama weerar aan loola jeedin ay la kulmi karaan.

Waxa sii kordhaya cabsida ay wajahayan maraakiibta isticmaala biyaha khaliijka carabta, iyo hawada gobolkan oo xaalad hubaal la’aan amni ah ku jira.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga