ilaa Hada Waxaa Socda Dadaalo Lagu Dhex Dhexaadinayo Dalalka Soomaaliya Iyo Imaaraadka Oo Ku Saabsan Sidii Xal Looga Gaadhi Lahaa Mugdiga Soo Kala Dhex Galay Labada Dowladood.

War-Saxaafadeed Ay Soo Saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia Ayaa Lagu Sheegay in Dawladda Soomaaliya Ay Uga Go’an Tahay Xoojinta Xidhiidhka Ka Dhexeeya Imaaaraadka Iyo In Soomaaliya Ay Diyaar U Tahay In Meesha Laga Saaro Mugdiga Soo Kala Dhexgalay Labada Dhinac.

Dowladda Somalia Sidoo Kale Waxay Sheegtay In Xidhiidh Soo Jireen Ah Ay La Leedahay Imaaaraadka Ayna Muhiim Tahay In Uu Sii Jiro Xidhiidhkaas, Maadaama Labada Dal Wadaagaan Iskaashi Dhinaca Ganacsiga Ah Sidoo Kalana Ay Ka Dhexeeyaan Dano Badan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga