Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go’aankii ay Kenya ugu yeedhay safiirkeeda Soomaaliya, islamarkaana Muqdisho ugu soo dirtay safiirkii Soomaaliya ee dalka Kenya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya oo loo diray Dawladda Kenya, ayaa lagu sheegay inaanu jirin dhul ay leedahay Kenya oo shidaalkii ku jiray ay xidhmooyinkiisa xaraashtay dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxay caddeysay in dhul-badeedka ay ku yaalaan xidhmooyinka shidaal ee lagu soo bandhigay London uu yahay dhul-badeedka Soomaaliya, isla markaana uu waafaqsan yahay mowqifka Soomaaliya ay ku dheggan tahay muddada fog, ee ah sheegashada Soomaaliya ee ku cad kiiska badda ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in aagagga ay ku yaalaan xidhmooyinka shidaal ee ay yaboohday ay waafaqsan yihiin go’aanada maxkamadda ICJ, islamarkaana aanay iib-geyn wax xidhmooyin shidaal ah oo ku yaalla dhul-badeedka lagu muransan yahay.

Soomaaliya waxay ay sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso inaysan qaadan doonin go’aan hal dhinac ah, oo ay dhaq-dhaqaaqyo uga sameeyneyso dhul-badeedka lagu mursan yahay ka hor inta maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee iCJ ay go’aan ka gaadheyso kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya waxa ay sidoo kale sheegtay in Kenya ay u xaqiijineyso in marka ICJ ay gaadho go’aankeeda ay ixtiraami doonto una hoggaansami doonto.

Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka xun tahay go’aanka ay dowladda Kenya ugu amartay safiirka Soomaaliya inuu ka baxo dalkeeda, ayada oo aan wax wada-tashi ah kala yeelan dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay ka go’an tahay in Kenya kala shaqeyso sidii wax looga qaban lahaa arrimaha ay wada wajahayaan labada dal.

War-Sxafadeedka Kasoo Baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaanay Dawlada Soomaaliya Ku Sheegin Talaabadda ay ka Qaadanayso Xidiidhkii Diblomaasiydeede ee ay Kenya u Jartay Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga