Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday sannad walba in la xusi doono Allaha u naxaristo Hodan Naalaye oo ka mid ahay dadkii ku geeriyooday weerar toddobaadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo.
Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay ku shaacisay in sannad kasta ay qaban doonto abaalmarin loogu magacdaray Hodan Naalaye.

Abaalmarintan ayay wasaaraddu sheegtay in lagu xusuusanayo gabadhii saxafiyadda ahayd, waxaana guddoomi doona qofka loo aqoonsaday  in uu wax muuqda qabtay oo ka tirsan qurba-joogga Soomaaliyeed.

Geerida marxuun Hodan Naalaye ayaa bulshada Soomaaliyeed ay aad ugu naxeen, waxay ahayd saxafiyad dadaal bixisay sidii ay dunidda ugu bandhigi lahayd sawirka wanagsan ee Soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga