Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa Markii ugu Horaysay Cadaysay Mawqifkeeda Ku aadan Shir La Sheegay in uu Maanta Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya ku Dhex Mari Doono Somaliland iyo Soomaaliya.

Agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya Dr Nuur Diiriye Xirsi oo Markii Horre La Sheegay in uu Ku Jiro Weftiga Dawladda Soomaaliya u matalaya Shirka ayaa Qoraal uu soo Dhigay Bogiiisa Twitterka ku Cadeeyay in aanayJirin Wakiilo Dawladda Soomaaliya uga Qayb Galaya Shirkaasi.

“Wakiilo ugama Qayb galayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya Shirka Wadda Xaajoodka  ee la sheegay in uu maanta Nairobi ka Furmayo Balse Waxay xaqiijinaysaa Wadda hadalo Midho dhal ah oo lala Galo Somaliland marka Goobta, ajandaha, iyo ka Qayb galayaasha la isla af Garto”    ayuu yidhi agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya.

Xafiiska Soomaaliland ee Magaaladda Nairobi ayaa war qoraal ah oo la soo dhigay waxa lagu sheegay in shirkaasi uu jiro, isla  markaana ay isku soo hor fadhiisan doonaan somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraalkaasi ayaa sidoo kale waxa lagu cadeeyay in dhinaca somaliland uu hogaamin doono Wasiirka arrimaha dibadda soomaaliland Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fartoon), waxaana maanta shirkaasi ku keliyaysatay dhinaca soomaaliland oo ay la fadhiyaan dhinacyadda dhexdhexaadinta iyo waliba wakiilo ka socda midawga yurub, afria iyo daneeyayaasha wada hadalada labada dhinac.

Shirkan aanay u dhamayn labada dhinac ee la damacsanaa in ay ku sii amba qaadaan wada hadalka ee soomaaliya iyo soomaaliland, ayaa u muuqda in uu fashilmayo, maadaama soomaaliya ka baaqatay.

Soomaaliland ayaa qoraal lagu baahiyay degelka twitterka ee xafiiska ay ku leedahay Magaaladda Nairobi waxa ay ku sheegtay in ay dawladda federaalka soomaaliya ay lumisay fursad lagu sii amba qaadi lahaa wada xaajoodka labada dhinac,

“Geeska Afrika iyo sidoo kale hay’adaha kale ee beesha caalamku Waxay soo Bandhigeen sida ay uga Xun yihiin in Soomaaliya aanay kasoo qayb galin shirka Wadda Xajoodka Labadda Dhinac,  sababo la xidhiidha cabasho ay Ka Muujiyeen Imaatinta Magaaladda Nairobi, taas oo aan aheyn mid ku haboonayd Xiligan” ayaa Lagu yidhi Qoraal Lagu Daabacay Bogga Twitterka Xafiiska Somaliland ee Dalka Kenya.

Si kastaba ha ahaatee dadka odorosa siyaasadda ayaa sheegaya in Dawladda Soomaaliya xilligan ay uga baaqatay ka qayb galka shirkaasi lagu soo marti qaaday ee ay waddo centre humanitarian dialogue, kana dhacayay Magaaladda Nairobi   uu ka danbeeyo ka dib markii in muddo ah aanu wanaagsanayn xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya soomaaliya iyo kenya.

Lamana oga in mar kale ay soomaaliland iyo soomaaliya isku soo hor fadhiisan doonaan wada hadal, kaas oo aan ilaa hadda xarunta wada wada hadalkaasi ka hadal sababta ay rasmiga ah ee ay uga baaqatay dawladda soomaaliya.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga