Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa Heshiis ka Kooban Dhowr Qodob Ku Kala Saxiixday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaramadda Midoobay waxaa Heshiiskan u Matalayey Kaaliyaha Xogheyaha Guud ee QM u Qaabilsan Arimaha Sitaasadda.

Sida uu Warbaahinta u Sheegay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre Heshiiska Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya ayaa Saldhig u ah Qorshe Cusub oo ay Ku Wadda Shaqayn Donaan Qaramada Midoobay iyo Dawladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa Qaramada Midoobay Uga Mahad Caliyey Shaqadii ay Shacabka Soomaaliyeed la Garab Taagnaayeen Wakhtiyadii adkaa ee ay Soomaaliya soo Martay.

“Waxaan uga Mahadcelinay UN-Ka Shaqadii adkayd ee ay Soomaaliya Usoo Qabteen Wakhtiyadii Dheeraa,” Ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

“Waxaan ku Heshiinay in ay Nagala Shaqeeyaan Dawladda Soomaaliya Hadaf-yadeeda waawayn oo ah in Dhaqaalaha la Kobciyo in Musuq-maasuqa Lagala Shaqeeeyo,”ayuu Hadalkiisa sii Raaciyey Ra’iisal Wasaare Khayre.

Qodobka ugu Xasaasisan ee ay Soomaaliya ka Codsatay Qaramadda Midoobay ayaa ah in Ajandayaasha ay QM Ka Fulinayso Soomaaliya loo Xilsaaro dad Soomaali ah.

“Waxaan Kaloon Ku Heshiinay in Ajandayaasha Lagaga Shaqaynaayo Dalka Soomaliya Dadka Soomaaliyeed iyagu Madax ka Yihiin, aduunyadda oo ay ugu Horayso Qaramada Midoobayna Nagu Caawin Doonaan,” ayuu Yidhi Ra’iisal Wasaare Khayre.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga