Waxaa Baryahan Danbe soo Badanaya Dadka Soomaalida ah ee ka Shaqaysta Suuqa Sarifka Lacagaha ay Isiticmalaan Dawladaha Dunidda Kaas oo Loo yaqaano Forex.

Telefishanka SAAB ayaa Helay Soomaali Badan oo Ka Shaqaysata Suuqani Kuwaas oo Sheegay in ay Faa’ido Badan Bilkasta Ka Haleen Suuqani.

Forex Waa Suuq Ganacsi oo Ka Shaqeeya Isku Sarifka iyo kala wareejinta lacagaha Wadamadda kala duwan ee Dunidu ay leeyihiin, Kaas oo loo samaynayo Hab Online ah iyada oo la isticmaalayo Shabakada Internetka.

“Wadan lacagtiis ayaanu Ku sarifnaa ama ku beddelnaa Wadan kale lacagtiisa, Si marka qiimaha labada lacagood ay kala yaraadaan ama kala badanaadaan aan anagu Khidmad uga dhex faa’idno” ayuu Yidhi Cabdifataax Maal oo Kamida Ganacsatadda Soomaalida ee Suuqani ka Shaqaysata.

Suuqan Ganacsi ee Forex Trading waa Mid Soo Jiray Muddo Dheer, Waa fursad dadka oo dhan ay Si furan uga Qayb Qaadan Karaan, balse ay Markii Hore fahamsanayeen Dad Tiro yar.

Cabdifataax Maal ayaa Sidoo Kale Sheegay in Suuqani Hada yahay suuqa ugu balaadhan suuqyada adduunka ka jira, maalinkii ayuu Sheegay in Lagu Kala Sarifto Lacag gaadhaysa  5.3 Tirillion oo Dollar.

Mar aanu Waydiinay Mudadda uu Suuqani ka Shaqaysanayey Isagu iyo Waliba Faa’idadda uu Bilkasta Ka Helo Waxa uu Ku Jawaabay.

“Aniga waqtigayga oo dhan Waan Galiyaa ka Shaqaysiga Suuqan, Waxaanan Hada Ka Shaqaynayaa Muddo Shan Bilood ah”

“Suuqa Forex Bilkasta Waxaan Ka Shaqaystaa Lacag Gaadhaysa $1.500 ilaa $2.000 oo Dollar”

Dad Badan oo Soomaali ah ayaa Si Kooxo ah Suuqan uga Shaqaysta Sida uu Markale Cabdifataax Maal u Sheegay Telefishanka SAAB.

Hadaba Suuqan Waxa uu Leeyahay Khatar Badan oo Dadka Lagu Dhici Karo Hadii aanu Wax Aqoona u Lahayn Qofka isagu Doonaya in uu Suuqani Ka Mid naqdo.

“Dhanka kale Waxaa iyana Xaqiiq ah in Forex Trading ay Tahay Ganacsi khatar badan ku hareeraysan tahay, Waa ganacsi qofkii aan Diyaarsanayn si fudud loo dhici karo, Waa Ganacsi ay Sharaftiisa ku ciyaareen boqolaal Shirkadood iyo Shakhsiyaad Dadka u samaynaya Ballan qaadyo been ah si ay Shillimaad uga qaataan”ayuu yidhi Ganacsade Cabdifataax Maal

“Haddaba Si aad Khatartaas Looga Hortago waa in aad aqoon iyo Cilmi kugu filan u yeelatid Ka Ganacsiga Suuqa Forex”ayuu sii Raaciyey Hadalkiisa.

Hore Waxaan idiin Kusoo Gudbinay Wiil u Dhashay Dalka Koonfur Africa oo Sheegay in uu Isaga Laftiisu Suuqan Ka Shaqaysto, Kaas oo Bilkasta Hela, Faa’iddo Dhan $50.000 oo Dollar.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga