Somaliland Ayaa Ergadii Garoowe tagtay Ku Sheegtay Inay ahaayeen ergo iskood isugu xilqaamay xabbad-joojin, marti-qaadna ka helay dhiggooda Garoowe oo hore u yimi Somaliland.

Markale Somaliland Waxay Sheegtay in Ciidamada Somaliland iyagoo ka duulaya deris wanaagga kana fogaanaya dhiig daata iyo ilaalinta doorka nabadda ay dulqaad ku deggan yihiin Tuka-raq oo Ay Sheegeen In Ay Tahay gudaha Somaliland daan-daansi iyo duullaanna aanay ku qaadaynin, xad dal kalena leeyahay.

Somaliland Waxay Sheegtay In Shirka Soomaaliya Uga Socda Brussels, Uu Yahay shir iyaga u gaar ah, Isla Markaana aanu Qusaynin Somaliland,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga