Xafiiska Somaliland ku leedahay Magaaladda Nairobi ayaa Dalka Kenya ku Qabanaysa shirweyne caalamiya oo lagaga hadlaayo Ganacsiga iyo Maal-gashiga Somaliland.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaaya sida lagu sheegay Website ka Safaarada Somaliland ee Kenya , Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Qaar kamid Gollahiisa Wasiirada, oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibeda, Ganacsiga, Maalgashiga, Macdanta iyo Tabarta iyo masuuliyiin kale

Sidoo kale waxa shirkan ka qayb galaaya Hogaamiyaha Mucaaridka Kenya Mr Raila Odinga oo dhawaan Midowga Afrika u magaaqabay Komishineerka Sare arrimaha Kabayaasha Afrika, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Kenya  Peter Munya iyo Suhail Al Banna oo ah Madaxa shirkad DP World ee Bariga dhexe iyo Afrika.

Shirkan  Waxaa sidoo kale ka galaysa Ganacsato u dhashay Somaliland, kuwa Kenyan ah iyo Xubno qurbo joog ah , waxaana la filayaa in dad badan oo danaynaaya maalgashiga Somaliland ay yimaadan shirkaas. Sida Lagu Daabacay Shabakadda Business Week.

Shakadda Business Week  ayaa sheegtay in shirkan Somaliland ku doonayso inay hesho maalgashadayaasha Bariga Afrika isla markaan uu shirkani qayb ka yahay dadaalada lagu raadinayo aqoonsiga ay Beesha Calalamka ka Doonayso Somaliland.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu weyna ee Somaliland ku qabato wadan kale oo ku yaala Qaaradda Afrika, Safiirka Somaliland oo la hadlaayay Website ka Business Week ayaa sheegay inay shirkan Somaliland uga goleedahay siday ugu soo xidhmi  lahaayeen Maalgashadayaasha reer Kenya iyo kuwa kale ka soo jeeda Afrikada Bari.

Shirkan ayaa inta uu socdo Lagaga hadli doona arrimaha Kabayaasha dhaqaalaha, Tamarta, Beeraha, Xolaha, Kaluumaysiga, Waxbarashada iyo Cafimaadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga