Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo Waraysi Siiyay Laanta Afka Somaaliga Ee BBC-da Ayaa Ka Hadlay Dacwad Dowladda Federaalka Soomaaliya U Gudbisay Golaha Amaanka Ee Qaramadda Midoobay. Dacwadaas Oo Dawladda Somalia Kaga Cabanaysay Dalka Iskutaga Imaraatka Carabta,

Danjiraha Somalia U Fadhiya Qaramada Midoobay Oo Khudbad U Jeediyay Golaha Ammaanka 27-Kii Bishan Ayaa Dacwad Ka Dhan Ah Wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta U Gudbiyay Golaha Ammaanka, Taas Oo Ku Saabsan Saldhigga Berbera Iyo Heshiiska Dp-World.

Dr Sacad Cali Shire Ayaa Sheegay In Somaliland Ay Xaq U Leedahay In Ay Ka Taliso Dhulkeeda, Badeeda Iyo Hawadeeda, Maadaama Oo Sida Uu Sheegay Ay Somaliland Buuxisay Shuruudihii Wadan Ee Laga Rabay.

“Soomaaliya Xaq Uma Laha In Ay Ka Hadasho Arimaha Somaliland, Annaga Ma Nihin Gobol Kamida Somalia, Balse Waxaanu Nahay Wadan Degan, Oo Jecel Wadamadda Jaarkiisa” Ayuu Yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland.

Sidoo Kale Wasiir Sacad Cali Shire Ayaa Beeniyay Warar Maalmihii U Danbeeyay Laysla Dhexmaraayay, Oo Ahaa In Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay Iyo Somaliland Uu Soo Kala Dhexgalay Khilaaf.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga