War-saxaafadeed Kasoo Baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Ayay Xukuumadda Somaliland Kusoo Dhawaysay In Cunaqabataynta Hubka Ee Saaran Somalia La Kordhiyo.

Dawladda Somaliland Waxay Soo Dhawaynaysaa In Gollaha Ammaanku Cusboonaysiiyo Cunaqabataynta Hubka Ee Saaran Somalia. Fursadan, Dawladda Somaliland Waxay Rabtaa Inay Ku Celiso In Dawladda Somalia aanay Lahayn Awood Ay Ku Xakamayso Hubka Iyo Rasaasta.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland Waxay Ku Bogaadinaysaa Gollaha Ammaanka Tallaabadan Hore Loo Qaaday Si Ay usii Socoto Cunaqabataynta Hubka Somalia, Dawladda Somaliland Waxay aaminsantahay In Hub Kasta Oo Gacanta Loo Galiyo Maamulka Somalia uu Khatar Ku Yahay Somaliland, Dawladaha Dariska Iyo Nabadda Caalamka. Dawladda Somaliland Waxay Si Adag U Canbaaraynaysaa Dawladaha Hubka Siiya Somalia, Hubkaas Oo Ku Danbeeya Gacanta Argagixisada Iyo Maleeshiyo Beeleedyada.

Somaliland Waxay ugu Baaqaysaa Bulshada Caalamka,Gaar Ahaan Gollaha Ammaanka Inay La Socdaan Cunaqabataynta Hubka, oo Muhiim U Ah Nabadda Gobolka Iyo Tan Caalamka.

Dawladda Somaliland Waxay Ka Walaac santahay Dawladaha Jabiya Cunaqataynta Hubka Ee Taageerada Milatari Siiya Dawladda Somalia, Iyada oo Gudida Qaramada Midoobay ay u Saartay La-Socodka Cunaqataynta Hubka ay Sheegeen In Hubkaas Iyo Qalabka Milatari Ee La Siiyo Somalia aanay Waafaqsanayn Hannaanka Cunaqabataynta.

Somaliland Waxay Soo Dhawaynaysaa Is-Fahamka Nabadeed Ee Dhexmaray Dawladaha Gobolka Gaar Ahaan Eritrea Iyo Ethiopia,Iyo Inay Xaliyeen Muranka Xuduudka Ee U Dhexeeyay Labada Dal. Waxa Sidoo Kale Loo Baahanyahay In Xiisadda Xadka Ee Wadamadda Jabuuti Iyo Eritrea Oo Taagnayd Tan Iyo Sanadkii 2008-Dii Lagu Xaliyo Iskaashi Gobol.

Dawladda Somaliland Waxay Ku Dhiirigalinaysaa Xubnaha Gollaha Ammaanka, Urur-Goboleedka Igad, Midawga Afrika Iyo Qaramada Midoobay Inay Taageeraan Delaaladda Dib-Loogu-Bilaabayo Wadahadlka Somaliland Iyo Somalia. Iyadoo ay Wadamada Geeska Afrika ay Khibrad Wanaagsan u Leeyihiin Xal Nabadgelyo oo Laba-Geesood Ah Sida Wadamada Eritrea Iyo Ethiopia Iyo Sidoo Kale Sudan Iyo Koonfurta Sudan.

Ugu Danbayn, War-saxaafadeedka Ayaa Lagu Yidhi, Gollaha Ammaanku Wuxuu Ka Warhayaa In 27-Kii Sanno Ee Lasoo Dhaafay Ay Dawladda Somaliland Ka qayb qaadatay Nabadda Gobolka iyo ta Caalamkaba, Iyo Deganaanshaha Ammaan Iyo Siyaasadeed.

Somaliland Waxay Wali La Dagaalamaysaa Argagixisada, Hubka Sharcidarrada Ah, Ka-Ganacsiga Dadka Iyo Danbiyada Caalamiga Ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga