Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Oo Ka Jawaabayay Hadalkii Dhawaan Ka Soo Yeedhay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibeda Imaaraadka Carabta Ayaa Sheegay In Ay Dhab Tahay In Imaaraadku Uusan Si Dhab Ah U Ictiraafsaneyn Jirintaanka Somaliand.

Waxaa Uu Meesha Ka Saaray Wasiirka Eedeyn Uga Timid Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro Oo Ku Eedeeyay Xukuumadda Uu Hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi KHiyaamo Qaran Gashay.

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Ayaa Ku Adkeystay In Heshiiskii Ay Wadagaleen Iyaga Iyo Shirkadda Dp World Uu Ahaa Mid Sax Ah, Isaga Oo Intaa Ku Daray In La Horgeeyay Heshiiska Gollaha Wakiilada Somaliland,

Hadalka Wasiir Sacad Cali Shire Ayaa Imanaya Xilli Imaaraadku Sheegeen Heshiiska Dekedda Berbera Ay La Galleen Dowladdiihii Hore Ee Soomaaliya Sidoo Kalana Aqoosan Yihiin Midnimada Umadda Soomaaliyeed

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga