Shirkadda diyaaradaha ee dalka itoobiya ee ethiopian airlines ayaa shaacisay in muddo lix bilood ah ay qaadan karto, xaqiijinta haybta dadkii ku nafwaayay burburkii mid ka mid ah diyaradeeheeda oo axaddii todobaadkii hore ku dhacday duleedka magaaladda caasimadda ah ee addis abab.

157 oo ahaa dhammaan dadkii diyaaradda ku safrayay ayaa ku nafwaayay burbuka, waxaana la baadhayaa DNA-da ama walaxda lagu xaqiijiyo qofka.

Ehelda dadkii ku dhintay shilka ayay shirkadu u qaybisay ciid laga soo qaaday halkii ay diyaaraddu ku burburtay, iyadoo ku samirsiinaysa qoysaska. Balse in ay helaan hadhaaga maydadka dadkoodii waxay qaadan doontaa 6 bilood, kadib marka lasoo xaqiijiyo.

Qaar ka mid ah qoysaskii ay dadkoodu ku leedeen shilka ayaa tagay goobtii burbuka, iyadoo maantana magalada adis ababa dadkii dhintay loogu sameeyay baroordiiq qaran.

Dhanka kale, baadhayaal faransiis ah ayaa baadhay sanduuqa madaw ee diyaaradda, oo laga heli karo sababta keentay shilka.

Xogaha qaar ayaa muujinay in diyaaraddu ay ku kacday xaware aad u sareeya, isla markaan uu duuliyuhu dalbaday in uu si degdeg ah u dajiyo diyaardda, sida uu sheegay mid ka mid ah shaqalaah garoonka diyaardaha ee pole oo maqlayay codadka, balse baadhitaanka rasmiga ah ayaa wali socda.

Shirkada diyaaradaha ee boeing ayaa war dhawan kasoo baxay ku sheegtay in casriyaynta khadka ay ku shaqayso diyaardda boeing 737 oo ah ooca tii burburtay ay soo saari doonto todobaadad soo socda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga