Saraakiisha shirkadda wayn ee shiinaha laga leeyahay ee hawei ayaa mar kale walaac xoogan ka mujiyay xanibaadda ay saartay dawladda maraykanku. Waxay madaxda dawladda maraykanka ku tilmaameen in ay awoodda dawladda oo dhan isugu gaynayaan hal shirkad oo gaar loo leeyahay.

Song liupin, oo ah madaxa sharciyada ee shirkadda ayaa xusay in tallaabada maraykanku ay keeni karto natiijo aan la mahadin. Isagoo intaa ku daray in shirkadaha kalana ay ku xigi doonaan, isla markaana la bar-tilmaameedsan doono.

Shirkadda hawei ayuu maamulka madaxweyne trump dhawaan ku daray liiska shirkadaha alaabtooda laga mamnuucay gudaha maraykanka. Iyado shirkadaha maraykankuna aanay fasax la’aan wax ganacsi ah la samayn karin.

Xanibaaddaha ganacsiga ayaa ka mid ah natiijooyinka muranka mudooyyinkii ugu danbeeyay ka dhexeeyay xukuumadaha washington iyo beijin.

Hawei ayaa dacwad ka gudbisay amarka dawladda maraykanka, iyadoo imikana maxkamadaha maraykanka ka codsanaysa in ay soo dedejiyaan xal-u-helida muranka u dhexeeya iyada iyo dawladda maraykanka.

Maamulka amdaxweyne trumpa ayaa shirkadda hawei ku eedeeyay in ay wax u basaasto xukuumadda beijin ee dalka shiinaha. Qalabka shirkaddu ay soo saarto ayay dawladda maraykanku aamini la’dahay, iyadoo taasina horseeday in gabi ahaanba alaabta shirkadda la mamnuuco.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga