Shirka sanadlahaa ah ee lagaga hadlo dhaqaalaha dunida ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada davos ee dalka switzerland.

Ilaa Saddex Kun oo ergo ah ayaa ka qaybgalaya shirka sanadkan, oo laga hadli doono sii xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada dunida, wax ka qabashada dhibaatooyinka dhaqaalaha iyo arimaha cimilada dunida ee isbedelaysa.

Hogaamiyayaal ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka marykanka, donald trump Ra’iisal Wasaaraha dalka Uk Theresa may iyo madaxweynaha dalka faransiiska emanuel macron ayaan sanadkan kasoo xaadirin golaha shirka, iyagoo la halgamaya xaalado cakiran oo ka jira wadamada ay madaxda u yihiin.

Madaxweyne Trump ayaa ku hawlan xal u helida khilaafka miisaaniyadda maraykanka, Ra’iisal Wasaare may ayaa ka shaqaynaysa qorshe kale oo ingiriisku kaga bixi karo midawga yurub halka maaxweynaha faransiiskuna uu ku mashquulsanyahay dibadbaxyadii wadankiisa ka dhacayay mudooyinkii ugu danbeeyay.

Madaxda kale ee la xusi karo ee ka sanadkan ka maqan shirka waxa kamid ah, madaxweynaha shiinaha oo u baaqday dhaqaalaha shiinaha oo sanadkan hoos u dhac ku yimi iyo Ra’iisal Wasaaraha dalka india oo olole doorasho ku jira.

Arimaha shirka lagu faaqidi doono waxa ka mid ah isbedelka cimilada, oo khubarada hawadu ay ka dayrinayaan mustaqbalka cimilada dunida. Dawladaha dunida ayaa marar badan isku maandhaafay xal uhelida cimilada dunida ee sii xumaanaysa.

Shirkan ayaa kusoo beegmaya xili uu dhaqalaha dunidu hoos u dhacay. Qaar kamid ah wadamadda africa sida sudan iyo zimbabwe ayay ka jiraan rabshado salka ku haya dhibaatooyinka dhaqaalaha, halka qaar ka mid ah wadamadda ugu dhaqaalaha buuran caalamka sida shiinuha uu hoos u dhac ku yimi koboca dhaqaalahooda.

Dagaalka ganacsi ee ka dhex bilaabmay wadmada shiinaha iyo maraykanka, kabixitaanka ingiriiska ee midawga yurub iyo hoos udhaca aan la filayn ee ku yimi suuqyada dhaqaalaha ayaa saamayn kale ku yeeshay koboca dhaqaalaha caalamka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga