Shir Madaxweedka Wadamda Midawga Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay magaaalda Addis ababa ee caasimadda dalka itoobiya.

Shir Madaxeedka ayay Kasoo Qayb galayeen madaxda 55 dal oo Qaarada Afrika ka tirsan.

Shir Madxweedkan ayaa noqonaya kii 32-naad ee ay isugu yimadaan Hogaamiyeyaasha Qaarada Afrika, iyada oo uu hadda madax u yahay Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame.

Badi Hogaamiyaasha Afrika ayaa Sandkan Kasoo Xaadiray Shirka, sidoo kale waxa kasoo qayb galaya Xogheyaha Guud ee Qaramadda midoobay Antonio Guteres.

Qodobada ugu muhiimsan ee Shirka Lagaga Hadli doono waxaa Ka mid ah Qaxootiga Qaarada Ku Barakacay, oo isugu jira kuwo dalkooda Ku Barakcay iyo Kuwo Qaarado kale Dulsaar Ku ah.

Madaxweynaa dalka Masar Cadbifartaax Asisi ayaa isu Diyaarinaya inuu la  wareego Hogaanka Midawga Afrika, isagoo Badalaya Madaxweynaha Rwanda Paul Kgme  oo Sanadkii ugu Danbeeyay Hayay Jagadda ugu Saraysa Midawga Afrika.

Sidoo Kale Arimaha Diirada lagu Saari doono Shirka waxa ka mid ah Dagaalda Sokeeye ee Wadamada Suudaanta Koonfureed, Jamhuriyadda Afrikada Dhexe, Soomaaliya iyo Nigeria oo ay Malaayin Qof ku Barakeceen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga