Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping oo Ka Hadlayay Munasibad Lagu Xusayay afartan Sanno Guuradii Kasoo Wareegtay isbadalkii Dhaqaalaha Shiinaha Wuxuu Sheegay in aan Waddankiisa Cidna u Yeedhin Doonin Wadada Horumarka.

Shiinaha ayaa Dabaal dagaya Affartan Saano Kadib Markii Dhaqaalihiisa Loo Furay Dunida, Taas Oo bug Dhigtay Dalkan Dunida ugu Dadka Badan inuu Noqdo Kob Muhiim u ah Dhaqaalaha Dunida.

Khudbadda Madaxweyne Xi Jinping ayaa Kusoo Beegmaysa Xili uu Muran Diblomaasiyadeed iyo Mid Dagaal Ganacsi Dhex marayo Dawladdiisa iyo Maamulka Trump.

Xi Jinping oo Jeediyay Khudbad Qaadatay 90-Daqiiqo Wuxuu Ballanqaaday in ay Sii Wadi Doonaan Isbadalada Dhaqaalaha, Walaw aanu Bixin Macluumaad Wadareed ah oo Ku Saabsan Nooca Isbaddalka ee uu Damacsanyahay.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa Sidoo Kale Dadka Shiinaha Ka Codsaday in ay Isbarbar taagaan Horumarka Dhaqaale ee Dalkooda, isagoo Sheegay in Shiinuhu aanu Marnaba Ka Tagi Doonin Nidaamkooda Halka Xisbi.

Xi Jinping ayaa noqonaya Hogaamiyihii ugu awoodda Badnaa Dalka Shiinaha, Kadib Madaxweyne Mao Zedong oo ahaa aasaasaha Xisbiga Shuuciga ee Maamula Shiinaha.

Isbadalada Dhaqalaha ee uu Bilaabay Hogaamiyihii Hore ee Shiinaha Deng Xiaoping’S, ayaa u Saamaxay in Shiinuhu uu Maanta noqdo Dalka Labaad ee Dunida ugu Dhaqaaalaha Badan.

Isbadalada Dhaqaalaha Shiinaha oo uu Dang Bilaabay Sanadkii 1978-Kii ayaa Ka Duulayay; Horumarinta Wax soosaarka, Casriyaynta Warshadaha iyo in Dhaqaalaha Shiinaha Loo Furo Dunida Inteeda Kale.

Tan iyo Waagaas, Boqolaal Million oo Shacabka Shiine ah ayaa Ka Baxay Dabaqada Faqriga.

Shiinaha ayaa Wali Wada Qorshaha uu Ka Balaadhinayo Saamayntiisa Dhaqaale ee Dunida, isagoo Balaayiin Dollar Ku Maalgalinaya Qaaradaha aasiya iyo Afrika.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga