Garoonka Diyaaradaha ee Magaaladda Muqdisho Waxaa Goor dhawayd soo Gaadhay Safiirkii Dalka Soomaaliya u Fadhiyey Kenya Amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan iyo Diblomaasiyiin ka Tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Magaaladda nairobi.

Maalintii Shalay Ayey Dawlada kenya safiirka dowlada Soomaaliya u joogey Nairobi ku amartey inuu kaga baxo  dalkeeda mudoo 24 saacdood.

Sidoo kale Xukuumadda Kenya ayaa u yeedhay  safiirkeeda u joogay Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo  Lt. Gen. Lucas Tumbo ,, arintan ayaa ka dhalataya sida ay dowlada Kenya sheegtay markii    Soomaaliya “ay ku xaraashtay” magaalada London ee wadanka Ingiriiska ceelal shidaal oo ku yaal dhulka xuduudda ee lagu muransan yahay.

Warbaahinta Kenya qaarkeed oo arrintan wax ka qoraya ayaa ka soo xigtay wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya, Macharia Kamau in Soomaaliya si taxadar la’aan ah isaga indho tirtay xeerarka caalamku aqoonsan yahay ee muranka xuduudaha, iyo sidoo kale khilaafaadka siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax hadal ah oo ka soo baxay dawlada Soomaaliya oo ku aadan go’aankan.

Muranka xaga bada ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa taagna mudooyinkii u dambeyay waxan dacwada labada dhinac u gudbiyeen maxkamadda caalamiga ee ICJ.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga