3 qof ayaa lagu dilay halka 12 kalana lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaalada strasbourg oo dhacda bariga dalka faransiiska.

ninka weerarka gaystay ayay boolisku ku raad-joogaan, isagoo wasiirka arimaha gudaha ee dalka faransiiska ninka lagu magacaabo christoph castaner uu xusay in ninkani uu laba jeer la dagaalamay ciidamada ammaanka faransiiska.

toogashada ayaa ka dhacaday meel u dhaw suuqyada kirismaska oo ku yaala badhtamaha magaalda, kooxaha argagixisada baadha ee faransiiska ayaa dabagal ku wad ninka weerarka gaystay.

lix ka mid ah dadka dhaawacu soo gaadhay ayaa xaaladooda caafimaad ay khatar ku jirtaa halka lixda kalana uu soo gaadhay dhaawac fududi, sida ay boolisku sheegeen.

wasiirka arimaha gudaha faransiiska ayaa xusay in saddex qof ay ku dhinteen weerarka, isagoo intaa kusii daray in ammaanka suduudka la adkeeyay, iyadoo ay 350 askari ay baadhayaan ninka weerarka gaystay.

wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ammaanka suuqyada kirismaska la adkayndoono.

ciidanka booliska ayaa sheegay in 29-jirka weerarka gaystay uu ku dhashay magaalada strasbourg, isla markaana ay ciidamada ammaanku uga shakisanaayeen in uu kooxaha argagixisada xidhiidh la leeyahay.

baarlamaanka yurub ayaa isagana la xidhay isagoo madaxweynaha baarlamaankuna bartiisa teitter-ka kusoo qoray in aanay cabsi-galindoonin weerarda argagixisda iyo dadka danbiilayaasha ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.

madaxweynaha dalka faransiiska emanuel macron oo ka qaybglayay kiulan ay golaha wasiiradu kaga arinsanayeen xiisada mudaharaadad ee ka taagan dalkan ku yaala galbeedka yurub ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in ay la murugoonayaan dadka dhibaatadu soo gaadhay iyo qoysaskooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga