Dawladda sucuudiga ayaa markii ugu horeyasay magacawday haweenay danjire ah, taas oo noqonaysa markii ugu horeysay tariikhda sucuudiga ee jago diblomaasiyadeed loo dhiibo gabadh.

Amiiradda Reema bint Bandar Al Saud, ayaa noqonaysa safiirka boqortooyada sucuudiga u fadhiyi doonta dalka maraykanka.

Reema bint bandar oo uu dhalay Bandar bin Sultan Al Saud oo muddo dheer ahaa danjiraha sucuudiga ee dalka mrykanak ayaa wajahaysa shaqo aad u adag, waxaana laga rabaa in ay sawir wanaagsan tusto dawladda marykanka oo muddooyinki ugu danbeeyay il gaar ah ku haysay boqortooyada sucuudiga, kadib dilkii wariye jamal khaashuqji oo boqortooyada lagu eedeeyay.

Fadeexadda dilkii wariye khaashuqji oo dul hoganaysa boqortooyada sucuudiga iyo wiilka dhaxalsugaha boqortooyada ayaa xumaysay xidhiidhka mryknka iyo sucuudiga, iyadoo kisaska baadhitanada ee dilka wariyahaasina ay waloi socdaan.

Amiirad reema waxay badali doontaa danjire Khalid bin Salman oo uu dhalay boqorka sucuudigu ahna danjiraha imika sucuudiga u fadhiya mryknka, oo isaga laftiisa qayb ahaan lagu eedeeyay dilkii wariye khaashuqji. Khalid bin salman wuxuu ku laabnaya magaalada riyad halkaas oo uu noqondoono ku xigeenka wwasiirka difaaca sucuudiga.

Reema bint Bandar oo ah 43 sanno jir wax ku baratay gudaha mrykanka ayaa madax ka ahaan doonta safaradda sucuudiga ee magaalada washington oo boqortooyadda muhiimad gaar ah u leh.waxay ka baxday jaamcadda geor wash uni. Waxay muddo dheer ku noolayd dalka mryknaka maadaama uu aabaheed muddo 20 sanno ka badan uu safiir ahaan uga shqynayay mgaalada washington.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga