Boqortooyadda Ingiriiska, Garmalka iyo Faransiiska ayaa Dalbaday In Baadhitaan Madax Banaan oo Lagu Kalsoon yahay lagu Sameeyo Suxufiga la la’yahay ee u dhashay Sacuudi Carabia Jamal Khashoggi.

Khashoggi oo ah Wariye Wax Ku Qori Jiray Wakaaladda Wararka ee Washington Post, ayaa la la yahay kadib marii uu Gudaha u Galay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaalada Istanbul 2-dii October si uu u helo warqado u ogolaan lahaa in uu guursado.

Sacuudi Carabia ayaa Cadaadis caalami ah kala Kulmaya Quwadaha Caalamka tasoo ay soo Jiidatay Waayitaanka Suxufi Jamaal Khashoggi.

ilo xog ogaal ah oo ku saabsan baadhitaanka socda ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta Turkigu ay haystaan ​​cadeymo maqal iyo muuqaal ah oo ku saabsan in Khashoggi lagu dilay gudaha qunsuliyada sacuudiga ee istanbul.

Sacuudi Carabiya ayaa si adag u beenisay in wax lug ah ay ku Leeyihiin Waayitaanka Wariye Khashoggi, Waaxanay Masuuliyiinta Qunsiliyadda Sacuudiga ee istanbuul sheegeen in uu ka tagay qunsuliyadda, BalseTurkiga ayaa ugu baaqay madaxda Sucuudiga in ay keenaan caddeyn muujinaysa in uu ka tagay qunsuliyadda.

tiro ka mid ah dalalka Carabta waxay taageero u Muujiyey Sacuudi Carabiya. Oman, Bahrain, Jordan, Lebanon, Imaaraadka Carabta iyo Masar ayaa dhamaantood soo saaray Bayaan ay Tageero ay ugu muujinayaan Sacuudi Carabia, sidoo kale Hay’adda Falastiiniyiinta ayaa soo saartay bayaanka taageerada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga