Xulafada ay horkacaan Wadamada Sucudiga iyo Dalka imaaraadka Carabta ee Dagaalka kula jira Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalnta dalka Yemen ayaa lagu eedeeyay in ay kooxda Alqaacida ee dalka yemen u Gacan Galiyeen hub aad tiro badan oo lagu farsameeyay gudaha Maraykenka, sida lagu ogaaday baadhitaan uu sameeyay telefishanka CNN ee dalka maraykanka.

Baadhitaanka uu Talefishanka CNN Sameeyay ayaa xoojinaya warbixino ay warbaahnta Aljazeera Hore u daabacday kuwaas oo tibaaxay in hubkani aanu gacanta u galin Kaliya Kooxda Alqaacida, Balse uu u talaabay Kooxda Xuutyiinta oo dagaal hubaysan kula jirta Dawlada Dalka ay Colaaduhu Baabiyeen ee Yemen.

Sucuudiga iyo Xulafadiisa Ayaa Sanadkii 2015 ku Biiray Dagaalka dalka yemen iyagoo Taageero Siinaya dawladda ay taageeraan wadamada reer galeedku ee uu hogaamiye madaxweyne cabdurabu manssuur haadi.

Dawladda maraykanka ayaa Argagixiso u aqoonsan kooxda Alqaacdi, Balse hada waxay kooxdu ku dagaalamysa hub lagu farsameeyay gudaha maraykanka sida uu baadhitaanku tilmaamayo.

Sucuudiga iyo xulafadiisa ayaa samaynaya Tallaabo kasta oo ay kaga adkaan karaan kooxda xuutiyiinta oo haysta qaybo badan oo kamid ah dalka yemen. Sanadkii 2015 ayay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee sanca taas oo dalkan lugaha u galisay colaad galaafatay nolosha tobaanan kun oo qof halka malaayiin kalana ay ku barakaceen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga