Wasiirka Arimaha Dibadaa ee Dawladda Sucuudiga, Caadil Aljubeyr Ayaa Difaacay Dhaxal sugaha Boqortooyada, Maxamed Binu Salmaan, Isagoo Dilkii Wariye Jamal Khashoggi Ku Tilmaamay Dhacdo Si aan u-Kas Ahayn u Dhacday.

Aljubeyr ayaa eedaha Sheegaya in Maxamed Bin Salmaan uu ka Danbeeyay dilka ay tahay arin aan Sal-iyo-Raad toona Lahayn isla Markaana ka Cadhaysiinaysa Dawladdiisa.

Caadil Al Jubayr ayaa Waraysiyo is-Daba Joog ah ku Sheegay in Baaqyada Tilmaamaya in Dhaxal-Sugaha Lagula Xisaabtamo Dilka khashoggi ay ka Gudbayaan Khadka Cas.

“Uma Dul-Qaadandoonno Dood Kasta oo Hoos-u dhigaysa ama Wax-Ka-Shegaysa Boqortooyadayada ama Dhaxal-Sugahayaga,” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudi Carabia.

Caadil Aljubeyr ayaa Dhaxal sugaha Ka difaacay Baaadhitaanka Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da oo Hore u Sheegtay in Maxamed Binu Salmaaan uu wax ka ogaa Shirqoolka Lagu Dilay khashoggi.

“Waxaanu Hore u cadaynay Inaanay Dawladda Sucuudigu Ku Lug-Lahayn Dilka Jamal khashoggi, Isla Markaana aanu Dhaxal-Suguhu Waxba Ka Ogayn” Ayuu Yidhi Markale Caadil Al Jubeyr u Waramayay Telefiishanka Laga Leeyahay Maraykanka Ee CNBC.

Wasiirka ayaa sidoo Kale Wax Laga Waydiiyay Warbixin ay Dhawaan Daabacday Wakaalada Wararka ee Reuters oo Xustay in ilo u Dhaw Boqortooyadu ay Sheegayaan in uu Socdo Isku-day Lagu Doonayo in Lagu Bedalo Maxamed Binu Salmaan oo Haadda Leh Dhaxalka Boqortooyada Kadib Abihii oo Hadda Jira 82-Sanno.

“Waa Faallooyin La Sameeyay oo Cadho Leh, Mana Aqbali Doonno, Boqortooyaduna Way Taqaanaa Hogaankeeda” Ayuu Yidhi Aljubeyr.

“Dhaxal-Suguhu wuxuu Haystaa kalsoonida Muwaadin Kasta oo Sucuudi ah, oo uu Ku Jiro Boqor Salmaan. Dhaxal suguhu Waa Mishiinka iyo Maskaxda Ka Danbaysa Barnaamijyada Isbedelada ee Sucuudiga iyo Sidoo Kale Aragtida 2030-Ka ee Boqortooyada” Ayuu Yidhi Markale Aljubeyr oo Waraysi Kale Siinayay Telefishanka CBS.

Jamal Khashoggi oo ahaa Wariye wax ku Qora Wargayska Washingtonpost isla Markaana Dhaliilijiray Dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga ayaa La Waayay 2-Dii Bishii October Xili uu Galay Qunsuliyadda Sucuudiga ee Magaalda Istanbuul. Jamal ayaa Lagu dhexdilay gudaha Qunsuliyada iyadoo La Sheegay in Maydkiisa la Jarjaray.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga