Ciidamadda Booliska Somaliland ayaa Xabsiga u Taxaabay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mid ah hal abuurka dhallinyarada Somaliland Ka dib markii uu xalay magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay suugaan uu ku dhaliilayo Xukuumadda Somaliland iyo dhibaatooyin uu Kala Kulmay xabsiyadda wadanka ku yaala.

Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo Kamida Dhalinyaradda Qurbajoogta ah ee Somailand isla markaana suugaan badan leh, ayaa inta Badan suugaantiisii xalay ay ahaayeen kuwo cusub oo ku Sheegay Qaar dawladnimadda lagu saxayo, isagoo ka sheekeeyey wakhti uu afar saacadood ku xidhnaa saldhig waxyaabihii uu ku soo arkay oo uu sheegay inuu u gudbiyey taliyaha ciidanka Booliska, balse Taa Badalkeeda ay ciidanku ka codsadeen in aanu gabay ka samayn dhacdadaadi, haseyeeshee uu ka diiday oo uu sheegay inuu gabaygu dareen ku yimaado isla Markaana uu wakhtigeeda la sugayo.

Garyaqaan Guleed Axmed Jaamac Dafac ayaa sheegay in Xadhiga loo Gaystay Abwaan Abees uu yahay Mid Kahor Imanaya Xoriyadda Hadalka iyo Xeerka Caalamiga ah ee Xuquuqda aadanaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga