Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Xafiiskiisa Kula Kulmay Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida, Mustafe Omer iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimoqraadiga Deegaanka Soomaalida (SPDP), Axmed Shide, Kulankan ayaa Salka Ku Haya Xal u Helida Khilaafkii Dhawaanahan Ragaadiyey Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Sida Lagu Baahiyey Barta Facebooga ee Xafiiska Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed Kulankan ayaa Sidoo Kale Lagaga Wadda Hadlay Sidii Loo Horumarin Lahaa Amniga Gobolka Deegaanka Soomaalidda.

Khilaafkii ugu Waynaa ayaa Dhawahana ka Dhex Taagnaa Madaxwaynaha Deegaanka Soomaalidda Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya ahna Gudoomiyaha Xisbiga Taladda Deegaanka haya.

Khilaafkan ayaa Yimid Kadib Markii Madaxweynaha dowlad degaanku  uu si weyn uga Cadhooday dadaallo uu waday Wasiirka maaliyadda ee Itoobiya Axmed Shide, kaasoo ahaa in xubno hore uga tirsanaa maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar lagu daro Golaha Wasiiradda iyo Mas’uuliyiinta Xisbiga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga