Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho Soo Caga Dhigatay Wafdi Ballaadhan Oo Uu Hoggaaminayo Ra’Iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,Oo Markii Ugu Horeysay Soo Gaadhay Soomaaliya Tan Iyo Intii La Doortay.

Madaxda Dowladda Soomaaliya Oo Uu Ugu Horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed C/Laahi Farmaajo Ayaa Ku Soo Dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa Ay Salaan Sharaf Ka Qaateen Ciidamada Bambayda,Iyada oo Si Diiran Loogusoo Dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Markii Ugu Horeysay Booqasho Rasmi Ah Ku Yimaada Soomaaliya

Waa Booqashadii Ugu Horeysay Ee Uu Ra’Iisal Wasaare Abiy Ku Yimado Magaalada Muqdisho Iyo Tan Markii Xilkan Loo Doortay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga