Rabshado mar kele sababay in albaabada loo laabo guud ahaan ganacsigii magaalada ayaa ka bilaabmay badhtamaha magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Rabshadahan ayaa ka billaabmay khilaaf dhex maray qaar ka mid ah ciidanka milateriga Somaliland iyo nin qaadle ah, kaas oo markii danbe Gaadhey gacan ka hadal.

Goobaha caafimaadka waxaa la geeyey sadex dumar ah oo dhaawacoodu daran yahay welise lala tacaalayo, waxaase dhici karta in khasaaruhu intaas ka badnaado,

Inta badan wadooyinka dhagxaan iyo qashin gubanaya Ayaa yaala dad kacsana waa wareegayaan, ciidamo xooglihina hadba meel ayay rasaas ka ridayaan si ay dadka u kala dareeriyaan.

Maamulka Gobolka iyo degmo midkoodna weli kama hadal waxa ka dhacay magaalada Laascaanood oo maanta u muuqata mid dib ugu laabatay sanadihii 2007,2008 iyo 2009kii oo rabshadaha noocan ah ay si fudud ku kici jireen.

Magaaladu haatan waa Bandow aan cidi kusoo rogin, iyadoo lagu jiro maalintii u danbeysey u diyaargarowga maalinta ciidul Fidriga sida dadbadani saadaalinayaan, waxaana la filayaa in ay sii socdaan rabshaduhu dadbadana ciid seegaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga