Golaha ammaanka ee Qaramda Midoobay ayaa hawlgalka ay Qaramadda midoobay ku caawiso soomaaliya ee unsom ku daray muddo hal sanno oo dheeraad ah, isagoo goluhu ugu baaqay hawl galka in uu xoojiyo hawsha uu ka wado Soomaaliya.

Qaraar Sumadiisu ahayd 2461 ayuu Goluhu cod aqlabiyad ah ku meel mariyay muddo kordhinta hawlgalka Unisom.

Golaha ammanka ayaa dawladda federaalka iyo xubnaha dawlad goboledyada ugu baaqay in ay la yimaadaan degenaansho siyaasadeed. Waxaanu hawlgalka unisom ugu baaqay in uu sii wado xidhiidhka iskaashi ee uu la leeyahay dhinacyada ay Wadda Shaqeeyaan.

Golaha amaanku wuxuu Sidoo kale usoo jeediyay dawladda federaalka iyo Baarlamaanka in ay ka wada shaqeeyaan sharciyada doorashada, isagoo xusay in doorashooyinka maamul goboleedyaduna ay sidii loogu talo galay u qabsoomaan.

Qaraarku wuxuu hoosta ka xariiqay, muhiimadda siyaasadeed, farsamo, sharci, taageero iyo iskaashi ee hawlgalka unisom uu u leeyhaay dalka Soomaaliya. Isagoo ka gacan siinaya, dhinacyada nabadaynta iyo sidii loo gaadhi lahaa doorasho qof iyo cod ah oo ka dhacda dalka ay colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya. Qaraarka ayaa sidoo kale soo jeedinaya in dhlinyarada iyo haweenka laga Qayb galiyo go’aan qaadashada.

Dhanka ammanka, Goluhu wuxuu dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada ugu baaqay in ay dardargaliyaan isbedelada ammanka, iyagoo taageero ka helaya unisom, hawlgalka taageero ee Unisom, iyo hawl galka nabad ilaalinta ee amisom. Wuxuu sidoo kale dawlada federaalka ugu baaqay in ay ka shaqayso sidii ciidanka soomaalida loogu wareejin lahaa amaanka somaaliya, iyadoo qorsheyaal cadcad iyo mudooyin cayiman la imanaysa.
Goluhu wuxuu muujiyay walaca uu ka qabo xiisadha joogtada ah ee u dhexeeya somaliland iyo puntland, isagoo soo jeediyay in miiska wada hadalka lagu dhameeyo khilaafka.

Golaha amaanka ee Qarmada Midoobay, wuxuu canbaareeyay weeradii is dab jooga ahaa ee maalmihii ugu danbeeyay kooxda alshabab ay ku qaaday magaalada muqdisho, isagoo si gaar ah u xusay weerar lagu qaaday xarunta Qaramda Midoobay ee Magaalada Muqdisho oo ay ku dhaawacmeen 3 ka mid ah shaqaalaha Qaramda Midoobay.

Arimaha kale ee uu Goluhu uu ugu baaqay dawlada Soomaaliya waxa ka mid ah, ilaalinta Xuquuqda aadanaha,iyo wax ka Qabshada Arimaha Cimilada.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga