Muddo laba sanno ah ayaa maanta laga joogaa markii wadamada khaliijka carabtu ay go’doomin saareen dalka Qatar. Iyadoo imikana aanu jirin ifafaale muujinaya in go’doomintani ay dhamaan karto mudooyinka dhaw.

Wadamdan ayaa qatar ku eedeeyay in ay taageerto Argagixisada, Balse Xukuumadda Doha waxay hore u beenisay dhamaan eedaymaha loo jeediyay.

Xiisadda khaliijka oo ahayd tii ugu xumayd ee sanado soo marta ayaa wali si toos ah iyo si dadbanba u jirta.

Wadamada sucuudiga, imaaraaadka, bahrain, iyo masar ayaa dalkan yar ee Qaniga ku ah saliida ka xidhay badda dhulka iyo cirkaba. Balse laba sanno kadib qatar waxay sheegaysaa in ay faa’iido badan ka heshay go’doominta la saaray.

Dhawaan ayay dawladda sucuudigu dalka qatar ku marti qaaday shir ka dhacay magaalda Maka ee dalka sucuudiga kaas oo Lagaga hadlayay Arimaha cakiran ee ka jira gobolka.

Gebagebadii shirka ayaa lagu dhaliilay dawladda iran oo eedaymo badan loo jeediyay. Balse dawladda qatar waxay Saluugtay Wa-murtiyeedka shirka oo lagu qoonsanayo dawladda iran oo markii la go’doomiyay u muujisay taageero xoogan.

Khubarada siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in aan la filan karin xal dhaw oo laga gaadho xiisadda khaliijka carabta, Xili labada dhincba aanay isu muujinaynin wax tanaasul ah. Mana muuqato dabac ku yimi mawqifyadii ay kala taagnaayeen.

Sanadkii 2014-kii ayay dawladaha sucuudiga, imaaraadka, iyo baxrayn safiiradooda kala baxeen dalka qatar, iyagoo markaa ku eedaynayay in ay la imanayso siyaasado ka baxsan tooda, Kana dheeraynayso Wadamadda gobolka.

Inkasta oo Qatar ay dawladaha go’doomiyay ku xidheen 13 qodob si looga dabciyo go’doominta, hadana xaalku muu noqon sidii la filayay.

Qani-nimada dalka qatar ayaa loo tirinayaa in ay kow ka tahay mawqifyada adag ee xukuumadda Doha ay iska taagtay Qodobadda loosoo jeediyay.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga