Dagaal-yahano ka Tirsan Ururka Alshabaab ayaa Qaraxyo iyo Weerar is Xigay ku Qaaday Gudaha Xarunta Wasaaradda Shaqadda iyo Shaqaalaha Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay wax-yaabaha qarxa,waxaana xigay rasaas xoogan oo halkaasi laga maqlay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in halkaasi rag hubeysan ay gudaha u galeen,waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen ku yaalla Makhaayado iyo xarumo kale.

Gaadiidka Gurmadka deg deg ah ayaa haatan goobta kasoo daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qarax-yadaasi.

Wararka ayaa intaasi daraya in uu qaraxyada ay sababeen khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xaalada guud ahaan magaalada ayaa u muuqata mid kacsan iyadoo jidadka qaar durbaba ay ciidamadu xidheen.

Sidoo Kale Wararka ka imanaya Isgooyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegaya in uu halkaas ka dhacay Qarax lagu xirdhy Gaari ay la socdeen dad rayid ah.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof oo Rayid ah ayaa dhintay halka Xildhibaan Salaad Sheekh Xuseen, oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle uu ku dhaawacmay qaraxa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga