Tobanaan ka mid ah shaqaalaha laba markab oo saliida xambaara ayaa laga daadgureeyay gudaha maraakiibtii ay saarnaayeen, kadib markii qaraxyo laga dhex maqlay.

Maraakiibta oo ku sugnaa biyaha gacanka cumaan, ayaa qaylo dhaan u diray ciidamada badda maraykanka oo saldhig ku leh dalka cummaan, kadib markii la arkay qaraxyadan maraakiibta soo gaadhay oo aan wali la sheegin sababta keentay.

Warbaahinta dalka iran ayaa ku warantay in iran ay badbaddisay shaqaalihii maraakiibta oo marka la isku daro gaadhaya 44 qof.

Dhacdadan ayaa imanaysa bil kadib markii la sheegay in afar markab weerar loogu gaystay biyaha dalka imaaraadka carabta. Iyadoo wadmada sucuudiga iyo maraykankun ay weerardaas ku eedeeyen dalka iran. Inkasta oo xukuumadda tehran ay iska fogaysay in ay wax lug ah ku lahayd dhawaca soo gaadhay afartaa markab oo laga kala lahaa wadamda sucuudiga iyo imaaraadka.

Qiimaha saliida caalamka ayaa markii ugu horeysay muddo shan bilood ah korodhay %4.5, kadib weerardan lagu qaaday maraakiibtan saliida xambaarta, sida ay ku warantay warbaahinta arimaha dhaqaalaha ka hadasha ee bloomberg.

Waxa sii kordhaya digniinaha la siinayo maraakiibta isticmasha biyaha khaliijka carabta. Oo looga cabsi qabo weeraro xili kasta dhici kara oo aan si toos ah loo garanayn cidda ka danbaeysa.

Xiisadda gobolka ayaa sii cakirmaysa tan iyo markii maraykanku uu iran dib ugusoo rogay cunaqabatayntii laga qaaday, kana baxay heshiiskii u dhexeeyay quwadaha caalamka iyo dalka iran.
Dedaalada lagu dhexdhexxadinayo xukuumadaha washington iyo tehran ayaa si gaaabis ah u scoda, iyadoo raysalwasaaraha dalka japanna uu maanta wadahdal la yeelanayo madaxda iran si uu u dhexdhaxaadiyo labada waddan oo xiisadoodu ay saamynayso xulafadooda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga