ilaa 20 qof ayaa ku dhaawacmay qarax wayn oo ka dhacay badhtamaha magaalada paris ee dalka faransiiska.

Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha moofo ku taala badhtamaha magaalada, waxaana qaraxa sababay gaaska cuntada lagu kariyo  sida ay sheegeen boolisku.

Qaraxa ayaa burburiyay dhismayaashii ka ag-dhawaa dhismaha ay ku taalay moofadu, sidoo kalana wuxuu burburiyay gawaadhi badan.

Qaraxa oo aad u awood badnaa ayaa laga dareemay aaga ay moofadu ku taalay, iyadoo la arkayay dab isku xidhay dhismaha.

Kooxaha badbaadada oo isla markiiba goobta soo gaadhay ayaa dadka uga digay in ay ka agdhawaadaan dhismaha inta ay hawl-galka wadaan.

Moofada ayaan furnayn xiliga uu qaraxu ka dhacay.

Dad ka agdhawaa dhismaha uu qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay ku warheleen daaqadaha dhismayaashooda oo daatay iyo qaylada dadka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga