Qarax Xoogan ayaa ka Dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya Xili Maalmihii ugu Danbeeyay ay Ciidamadda Dawladda Soomaaliya Wadeen Qorshe Lagu Sugayo Amniga Caasimadda.

Gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxey afaafka hore ee Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska Dalka Soomaaliya

Gaadhiga Qarxey ayaa Goobta ku gubanaya hadda sida ay SAABTV u Xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Goobta uu Qaraxu ka Dhacay ayaa ah Goob Amnigeeda aad loo Ilaaliye

Qarax ayaa Sidoo Kale Kusoo Beegmaya Xili ay Habeenkii Xalay Taliska Booliska Soomaliya soo Bandhigeen Gaadhi La sheegay in ay ku raran Yihiin Waxyaabaha Qarxa.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga