Ugu Yaraan 14 Qof Ayaa Ku Dhintey, Kumanaan Kalena Way Ku Dhaawacmeen Qarax Ka Dhacay Meel U Dhow Xarun Isboorti Oo Ku Taala Koonfurta Afgaanistaan, Sida Uu Sheegay Sarkaal Caafimaad.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Helmand, Ayaa Sheegay In Qaraxu Ka Dhacay Garoonka Cayaaraha Kubada Cagta.

Sidoo Kale Madaxa Waaxda Caafimaadka Gobolka, Ayaa Sheegay In 40 Qof Oo Dhaawacmay La Keenay Cisbitaalka Gobalka,

Tirada Dhimashada Ayaa La Filayaa Inay Kor U Kacdo, Iyada Oo Maamulka Cisbitaaladu Ay Sheegeen In Dad Badani Ay Ku Jiraan Xaalad Halis Ah.

Qaraxan Ayaa Imanaya Laba Maalmood Ka Dib Markii Qarax kale Uu Ka Dhacay Meel U Dhow Caasimada Kabul, Kaas Oo Dilay 29 Qof Waxaana Ku Dhaawacmay 52 Qof.

Ururka Daacish Ee Ka Dagaalama Afgaanistaan Ayaa Sheegtay Mas’Uuliyadda Weerarkaas.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga