Golaha Ammaanka Oo Arabacadii Shalay Yeeshay Kulan Ayaa KU Falanqeeyay Weerarada Xoogagga Ururka Al-Shabaab Ee Ka Dhanka Ah Fariisimaha Ciidamada Midowga Afrika Ee Amisom,

Laba Nin Oo Ka Tirsan Shabaab Ayaa 1-Dii Bishan Isku Qarxiyay Saldhiga Ciidamada Amisom Ee Degaanka Buulo-Mareer Oo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay Ayaa Waxa Ay Tusaale U Soo Qaateen Weerarkaasi, Waxayna Tilmaameen In Falkaasi Ay aad Uga Xun Yihiin,

“Xubnaha Golaha Ammaanka Ayaa Xaqiijiyay In Argagixisada Dhammaan Qaabkeeda Iyo Muuqaalkeedu Ka Dhigan Yahay Mid Ka Mid Ah Kooxaha Ka Soo Horjeeda Nabadda Adduunka Iyo Ammaanka,
Qaramadda Midoobay Ayaa Hoosta Ka Xariiqay Baahida Loo Qabo In La Keeno Dembiileyaasha, Qaban Qaabiya,iyo Kuwa Maal-Galiya Iyo Kafaalad-Qaadayaasha Ficilladan, Taasi Bedelkeeda Ayay Isku Raaceen In Ay Kordhin Doonaan Taageerada Dhaqaale Ee Ay Siinayaan Ciidamada Amisom, Si Ay U Yareeyaan Weerarada Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab Ayaa Waxaa Ay Sheegeen Weerarkii Buula Mareer In Ay Ku Dileen 59 Askari Oo Amisom Ahaa, Balse Dowladda Uganda Oo Dagaalkan Uu Qabsaday Ciidankooda Ayaa Waxaa Ay Beenisay Warkan, Waxayna Tilmaamtay In Ay Dishay 22 Shabaab Ah,

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga