Waxaa Soo Baxaya Digniinno La Xidhiidha Duufaan Lagu Magacaabo One Oo La Sheegay In Ay Ku Soo Fool Leedahay Qeybo Ka Mid Ah Soomaaliya, Gaar Ahaan Deegaannada Gobollada Waqooyi Galbeed Iyo Bari.

Sida Ay Sheegtay Hay’Adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Cunnada Iyo Beeraha Ee Fao Duufaanta Ayaa Ka Soo Kici Doonta Badweynta Hidiya.

Sida Ay Saadaashu Tahay Duufaantan Ayaa Marka Hore Ku Dhufan Doonta Deegaanno Ka Tirsan Puntland, Iyadoo Marka Danbe Ku Sii Faa’Fi Doonta Dhinaca Somaliland.

Waxaa Ay Ku Baaqday Hay’Addu In Ay Dadku Daxadir Badan Sameeyaan, Madaama Laga Yaabo In Duufantan Geysato Bur Bur Xoog Leh.

Waxaa Kale Oo La Saadaalinayaa In Ay Deegannadaas Ay Daadad Ka Dhici Doonaan, Sida Ay Shaacisay Hay’Adda Cunnada Iyo Beeraha U Qaabilsan Ee Qaramada Midoobay.

Bishii Nofembar Ee 2013kii Ayeey Ahayd Markii Ay Duufaan Wax-Yeelo Baaxad Leh Ka Gaysatay Deegaannada Puntland Iyada Oo La Sheegay In Ay Malaayiin Xoolo Ah Ku Le’Deen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga