Qaramadda Midoobay ayaa ka Digtay in Dunidu aysan Awoodi Karin “Khilaaf Wayn oo Ka Qarxa Gacanka” iyadda oo uu Dareenka Caalamku Kor u Kacay Kadib Markii Weeraro Lagu Qaaday Laba Markab oo ah Kuwa Xambaara Saliida.

Xogheyaha Guud ee Qaramadda Midoobay Antonio Guterres ayaa Khamiista Maanta aad u Dhaleeceeyay Dhacdooyinka Lagu Weeraray Labadda Markab, isagoo yirdhi: “Waxaan si xoogan u cambaareynayaa weerar kasta oo ka dhan ah dhacdooyinka rayidka ah, waa in la dejiyaa Xaaladaha .”

Weerarka Lagu Qaaday Maraakiibta Saliida ee Marayey Gacanka Cumaan iyo Xeebta Dalka iiraan ayaa Labadaba Laga daad Gureeyay Shaqaalihii Saarnaa, Waana Weerarkii Labaad ee Bil Gudihii Lagu Qaado Maraakiib Marayey Biyaha Gacanka Carabta oo ah Halka ay Maraan Sahayda Saliida Dunida.

inkasta oo aanay Faahfaahin Rasmiya Kasoo Bixin Weerarka Lagu Qaaday Labadda Markab Hadana Arimahan ayaa Imanaya iyadda oo ay Jiraan Khilaafyo u Dhexeeya Maraykenka iyo iiraan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka iiraan Mohamed Javad Zarif, ayaa Sheegay in Arintani ay Tahay Mid “aan Shaki Lagalin Karin Cida Ka Danbaysay” isagoo intaa ku Daray in ay Kusoo Beegantay Xili uu Kulan u Socday Hogaamiyaha Sarre ee Waddanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japaan oo Booqasho aan Hore Loo Shaacin Ku Tagay Tehran.

Maraykenka ayaa ugu yeedhay “Dhacdooyin aan Loo Dulqaadan Karin oo Wal Wal Horleh ku Abuuri Karta Gacanta” Jonathan Cohen oo Matalayey Danjiraha Maraykenka u Fadhiya Qaramadda Midoobay ayaa Sidaasi Sheegay, isagoo intaas ku Daray “in iiraan ay tahay Khatarta ugu Wayn ee amniga Gobolka”

Horaantii Bishii May, Wahshington Waxay Ciidamo Horleh iyo Maraakiib Dagaal u Dirtay Gobolka si ay uga Hortagaan Hanjabaad aan la Sheegin oo ka iman Karta Dalka Iran.

Dhanka Kale Sacuudiga ayaa Sheegay in Weeraradda Lagu tuhun San yahay inay Xidhiidh La leeyihiin Weeraro is Daba Joog ahaa oo Bishii July ee Sanadkii 2018-kii Lagu Qaaday Laba Booyadood oo Sacuudigu leeyahay.

Sidoo Kale Xogheyaha Guud ee Jaamacada Carabta ayaa Carabku Ku Dhuftay in ay Dawlado Gaar ahi Doonayaan in ay dabka qabadsiiyaan gobolka, Isagoo Gollaha Amaanta ee Qaramadda Midoobay ugu Baaqay in ay ilaaliyaan amaanka Gacanka.

Dhacdooyinka Khamiista Maanta Dhacay waxay sidoo kale keenay walaac ku yimid hay’adaha badda.

Mid Kamida Hay’addaha ugu waawayn ee Ganacsiga isaga Kala Goosha Gacanka ayaa Tilmaamay in Arintani ay Tahay mid sii Kordhaysa, iyagoo Sheegay in ay ku Dhow dahay Xiisad Dagaal oo ka Qaraxda Gobolka.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway ayaa Sheegtay in “ay Ka Walaacsan Tahay Dhacdada Maanta, iyadoo Sidoo Kale Maraakiibta Doonaya in ay Sii Wataan Masaafadooda ugu Baaqay in ay Muujiyaan Taxadar Xoogan.

Hawlgalka Ganacsiga ee Maraakiibta ingiriiska oo ay Maamulaan Ciidamadda ingiriiska, ayaa Sidoo Kale Digniin Horleh Lagasoo Saaray Xaaladooda Amniga.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga