Wakiilka Cusub Ee Qaramada Midoobay u Fadhiya Dalka Yemen Ayaa Sheegay In Uu Qorsheynayo In Uu Soo Bandhigo Qorshe Cusub Oo Lagu Joojinayo Dagaalada Ka Jira Dalka Laba Bilood Gudahood.

Martin Griffiths Ayaa U Sheegay Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay In Uu Horumarin Doono Qorshe Cusub Oo Dib Loogu Furayo Wada Xaajoodka U Dhexeeya Xulafada Sacuudiga Uu Hogaaminayo Iyo Xuutiyiinta, Laakiin Wuxuu Ka Digay In Dagaalada Dhulka Ay Wali Sii Xoogan Yihiin.

Dagaalka Ka Socda Yemen Waxaa Lagu Qeexay Dhibaatada Bani’aadanimo Ee Ugu Xun Dunida, Iyada Oo In Ka Badan 75 Boqolkiiba Dadweynaha, Ama 22 Milyan Oo Qof, Ay U Baahan Yihiin Gargaar, Halka Todoba Milyan Oo Qoxooti Ah Ay Ku Jiraan Macluul.

 
Xilliyadii Hore Ee Wadahadalka Nabadda Ee Qaramada Midoobay Ayaa Ku Fashilmay In Ay Joojiyaan Colaadaha.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga