Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in baadhitaan madax bannaan lagu sameeyo duqayntii diyaaradaha dagaalka ee xulufada Sucuudigu ku dileen carruurta badan ee reer Yemen.

Xubnaha golaha ayaa ku heshiiyay in ay dib u eegis ku sameeyaan natiijada baadhitaanka uu ballan qaaday milatariga Sucuudiga.

Weerarkaasi ay carruurta ku dhammaadeen ayaa khamiistii ka dhacay gobolka Sacda ee Xuutiyiintu ay maamulaan.

Waxaana ugu yaraan ku dhintay 29 carruur ah balse saraakiisha Xuutiyiinta ayaa sheegay in afartaneeyo lagu dilay duqeyntaasi.

Sucuudiga oo taageera dowladda Yaman isla markaana taageero ka hela Maraykanka iyo Ingiriiska oo xubno ka ah golaha ammanka ee Qaramada Midoobey ayaa markii hore sheegay in tallaabadaasi ahayd mid sharci ah oo aanay haba yaraatee rayid waxba ku yeelin, haatanse wuxuu sheegay in ay baadhayaan dhacdadaas.

Ku simaha madaxa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Karen Pierce, ayaa sheegtay in goluhu uu ku adkeysanayo in loo baahan yahay baadhitaan dhab ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga