Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay Ayaa Cunaqabatayn Dhanka Hub Ah Ku Soo Rogay Koonfurta Suudaan, Ku Dhawaad ​​Shan Sano Ka Dib Dagaalkii Sokeeye Ee Dalka Ka Bilaabmay..

Qaraarkan Oo Waddanka Maraykanku Soo Gudbiyay Ayaa Waxaa U Codeeyay Sagaal Waddan, Halka Lix Xubnood Ay Ka aamuseen,

Danjiraha Mareykanka U Fadhiya Qaramada Midoobay Nikki Haley Ayaa Sheegtay In Loo Baahan Yahay In La Joojiyo Rabshadaha,

Hase Yeeshee, Danjiraha Koonfurta Suudaan Ayaa U Sheegay Goluhu In Uu “Xakameynayo Nabadda” Ayna Ahayd “Xayiraad Kasoo Horjeeda Hay’Adaha Isku Dayaya In Ay Nabad Ka Keenaan Koonfurta Suudaan”.

Safiirka Itoobiya U Fadhiya Qaramada Midoobay Ayaa U Sheegay Golaha Ka Hor Inta Aysan Codkooda Dhiiban Xayiraadda Hubku In Ay Wiiqi Doonto Geeddi-Socodka Nabadda Iyo In Midowga Afrika Iyo Bariga Afrika Ee IGAD Ay aaminsan Yihiin In Nabad Lagusoo Dabaali Karo Colaadahaasi,

Danjiraha Qaramada Midoobay Ee Soomaaliya, Ayaa Sidoo Kale Sheegay In Goluhu Ay Arintaas Ka Dhegeysteen Hoggaamiyayaasha Afrika.

Dagaalka Sokeeye Ee Ka Socda Koonfurta Suudaan Ayaa Bilaabmay 2013, Laba Sano Ka Dib Markii Ay Xorowday Sudan, kadib Markii Madaxweynaha Salva Kiir Uu Ku Eedeeyay Ku Xigeenkiisa Inuu Qorsheynayay Afduub.

Dagaalka Sokeeye Ee Ka Socda Koonfurta Suudan Waxaa Ku Dhintay Tobanaan Kun Oo Qof Halka Ay Malaayiin Kalana Ku Qasbeen In Ay Ka Cararaan Guryahooda, Taasoo Dhalisay Dhibaatooyin Bani’aadamnimo.

Waxay Sidoo Kale Hoos U Dhigtay Waxsoosaarka Saliida Ee Dalka, Taas Oo Ay Dawladdu Ku Xidhan Tahay Dakhliga, Iyada Oo Lasoo Saaro Wax Ka Yar Kala Badh Heerkoodii Hore.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga