Baadhitaan ay samasay Qaraamda midoobay ayay ku ogaatay in dad gaadhay 500 qof lagu dilay dalka jamhuuriyadda dimuqraad ee koongo, intii lagu guda jiray sanadkii ina dhaafay, iyadoo ku tilmaantay danbi ka dhan ah bini’aadanimada.

Baaadhitaanka ayaa lagu sheegay in dadka qaar lagu dhex gubay guryahooda iyaga oo nool.

Rabshadaha isirka ku salaysan ee dalka jamhuuriyada dimuqraadiga ee koongo ayaa badi ka dhasha marka qabiill uu damco in hogaamiye dhaqameed ka dhintay ay ku aasaan deegaan ay leedahay ama sheeganayso qabiil kale, taas oo dagaalo lagu hoobto ka dhex dhalisa qabaa’ilka wada dega.

Baadhitaanka ayaa tibaaxaya in dagaalo kale ay mar walba dhici karaan.

Gobolada yumbi iyo kinshasa ayay ka dhaceen rabshaadha ugu badani, halkaas oo qudha lagaga jaray boqolal qof, iyadoo maamulada goboladuna ay ku guuldaraysteen in ay wax ka qabtaan ama hakiyaan rabshadaha.

Xogaha kasoo baxaya koongo ayaa sidoo kale tilmaamaya in dadka la dilay ay ka badanyihiin 500, iyadoo warbixin kale oo ay Qaramada midoobay soo saartay bishii jan ay ku sheegtay in ay diwaangalisay dhimashada dad kor u dhaafaya 800 oo qof, iyadoo lagu waramayo in maydadka badi la raaciyo wabiga koongo.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga