Madaxwaynaha Ruushka Vladimir Putin Ayaa 6 Sano Oo Kale Xafiiska Sii Hayn Doona Ka Dib Markii Uu Si Wayn Ugu Guulaystay Doorashadii Dalkaasi Ka Dhacday.

Khudbadda Guusha Oo Uu Ka Jeediyay Magaaladda Moscow Ayaa Waxaa Uu Sheegay In Natiijada Doorashada Uu U Arko In Ay Tahay Kalsooni La Siiyay Waxqabadkiisa.

Waxaa Uu Bogaadiyay Guusha Uu Ka Gaadhay Doorashada Madaxtinimda Ruushka, Waxaa Uuna Sheegay In Arrintani Ay Ku Timid Waxqabadkiisa.

Mar U Ka Hadlayay Isu Soo Bax Balaadhan Oo Lagu Qabtay Bartamaha Cassimada Moscow Ayaa Madaxwayne Putin Waxaa Uu Sheegay In Natiijada Doorashada Ay Ka Tarjumayso Kalsooni Ay Shacabka Ku Qabaan.

Madaxwayne Putin Ayaa Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Su’aalaha Ku Saabsan In Uu Xilka Hayni Doono Inta Cumrigiisa Ka Dhiman.

Madaxwayne Putin Ayaa Waxaa Doorashadan Kula Loolamaysa 7 Musharax Oo Kale .

Hogaamiyahii Mucaaradka Ee Ugu Cadcaddaa Doorashada Alexei Navalny Ayaa Laga Mamnuucay In Uu Doorashada Ka Qeybqaato.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga