Dawladda Marykanka Ayaa Aqbashay Kulan Dhex marayay Madaxweynayaasha Wadmada Ruushka Iyo Maraykanka Oo Ka Qabsoomaya Wadanka Argentina Maalinta Sabtida Ah Ee Soo Socota.

Kulanka Ayaa Dhici Doona Inta Lagu Guda Jiro Shir Madaxeedka Wadamada Ku Midoobay Ururka 20 Ama G20, Sida Lagu Sheegay War Kasoo Baxay Aqalka Looga Taliyo Dalka Ruushka ee Loo Yaqaano Kiriminiilka.

Kulankan Dhex maraya Putin Iyo Trump Ayaa Shaki Galay Maalintii Salaasada, Kadib Markii Madaxweyne Trump uu Wargayska Washingtonpost u Sheegay In uu Ka Laabandoono Kulanka oo Hore Loo Qorsheeyay, Hadalka Trump Ayaa Daba socday Weerar ay Ciidamada Badda Ruushku Ku Qabsadeen Maraakiib Dagaal oo ay Leedahay Dawladda Yukrayn oo Marayay Marinka Keej Todobaadkan.

“Waxa Dhici Doona Wadashekaysi Kooban oo Dhexmari Doona Labada Madaxweyne, Sidaan Rajaynayno, Kadibna Waxa Xigi Doonaa Wadahadlka Rasmiga ah ee Labda Dal” Ayuu Yidhi Afhayeenka Aqalka Kiriminiilku, Dmitri Peskov.

Peskov Ayaa Wartabiyayaasha u Sheegay in Dawladda Maraykanku aanay Ku Wargalin Wax Joojin ah, Isagoo Intaa Kusii Daray Inay Kawada Shaqaynayeen Sidii uu u Dhici Laahaa Kulankani.

Dhanka Kale, Aqalka Cad Ayaan Wali Si Rasmi Ah u Shaacin in Kulanka Labada Madaxweyne uu Dhici Doono Maalinta Sabtida.

Hadii uu Kulankani Qabsoomo; Wuxuu Noqonayaa Kulankii Koobaad ee Dhexmara Hogaamiyayaashan Sida Wayn uu Xafiiltama Tan Iyo Bishii July oo ay Kulan Laba Saacadood Qaatay Ku Yeesheen Magaalada Helisinki ee Dalka Finlad, Markaas oo Kaliya Turjumaanadoodu ay Goobjoog Ahaayeen.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga