Madaxweynayasha Wadamada Ruushka iyo kuuriyada Waqooyi ayaa markii ugu horeysay kulmay, iyagoo kawada hadlaya Arimaha barnaamijka nukliyeerka ee Kuuriyadda  Waqooyi.

Vldamir Putin iyo kim jun ayaa subixii hore ee saaka ku kulmay Magaaladda xeebta ah kuna taala bariga fog ee dalka ruushka ee Vladivostok.

Putin ayaa ku yimi diyaarad, halka kim-na usoo raacay tareenkiisa Qufulan oo aabihiina uu caanka ku ahaa.

Madaxweyne putin oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay kim uu wax wayn soo kordhin doono, qaybna ka qaadan doono sidii loo dajin lahaa Arinta gacanka kuuriya.

Putin Wuxuuu intaa ku daray in ay samayn doonaan dedaal ay ku dajinayaan barnaamijka muranka dhaliyay ee kuuriayda waqooyi ay ku smaynsyo hubka nukliyeerka.

Hohamiyaha kuroyada waqoyi km ayaa u muuqda in uu taagero u raadinayo barnamijka nuk dalkiisa, oo maryknka ku noqday laf dhuun gashay. Iyo sidii cunaqabtnta mudada dheer saaran looga qaadi lahaa, balse madaxweyne putin ayaa ka fkiraya in uu xukuumadda moscow cagaha u galiyo dagaal kale oo siyaasaded, kaas oo muddo dheer socon kara.

Kulanka ayaa ah kii ugu horeeyay ee madaxweyne la qato kim, tan iyo wixii ka danbeeyay kulankii uu la qaatay madaxweynha mryknka ee natiijo la’aanta kusoo dhamaaday/.

Ddaka siyaasadda falanqeeya ayaa sheegaya in shirmadaxeedkani uu fariin u dirayo mryknka, isla markaan ay kuuriyada waqooyi u sheegayso in ay haysato sxbo kale oo tageeri kara barnaamijyadeeda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga