Dowladda Ethiopia ayaa shaacisay in deegaanka Soomaalida laga helay keyd Gaaska Dabiiciga ah oo gaaraya 1.6 Trillion Cubic Feet.

War ka soo baxay wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in Shirkad dhinaca Tamarta ah oo laga leeyahay dalka Britain oo la yirahdo New Age (African Global Energy Ltd) oo sahan ka waday meelo ka mid ah dhulkaasi ay keydkan ka heshay Deegaanka Hala-quraan.
Jabahadda ONFL oo dhawaan heshiis la gashay dowladda Ethiopia ayaa ka hadashay dareenkeeda ku aadan gaaskan dhulka Soomaalida laga helay.

Afhayeenka ONLF C/qaadir Caddaani Hirmooge ayaa sheegay in shidaalka ama Gaaskan laga helay dhulka Ismaamulka Soomaalida ay leeyihiin sida uu hadalka u dhigay dadka Soomaaliyeed, balse ay ka fara maroojiyeen maamuladii hore, isaga oo intaa ku darray in xililgan aysan jirin cid ka leexsan karta.

“Hantidan hanti Soomalaiyeed weeye, doorka dowladda Ismaamulka ay ku leedahay arrimaha Gaaska iyo Batroolka, dowladda shacabka ay leeyihiin iyo doorka ay Jabhadu leedahayba waa in ay cadaataa arintaa, heshiisyadii hore ee dadka Soomaaliyeed lagu dul minaayay ma soconayaan” ayuu yiri Hirmooge.

Hirmooge ayaa sheegay in xubno ka mid ah hoggaankooda iyo Wasiirka Batroolka Itoobiya ay hal mar kulan ka yeesheen arinta shidaalka, isagoo tilmaamay iney u cadeeyeen walaaca ay ka qabaan in la iska qaato kheyraadkooda, iyadoo aan laga tala gelin shacabka iyo maamulka halkaasi ka jira.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in kheyraadka laga helo dalka Itoobiya si cadaalada loo qeybin doono, isagoo intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar.

ONLF ayaa dhawaan heshiis la gashay dowladda Itoobiya, iyaga oo meesha ka saaray halgankoodii hubeysnaa oo ay kala soo horjeedeen dowladda Itoobiya, iyaga oo hadda halgankooda u weeciyay dhinaca siyaasadda.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga