Xildhibaanad Ilhan Cumar oo ah Gabadh Soomaaliyad Ka Tirsan Aqalka congresska Waddaanka Maraykenka ayaa Markii ugu Horaysay is Barbardhig Ku Samaysay Siyaasadaha Madaxwaynihii Horre Maraykenka Barak Obama iyo Madaxwaynaha Haatan Haya Taladda Dalka Maraykenka Donald Trump.

Mar ay Waraysi Siinaysay wargeyska Poletico ee Kasoo Baxa Dalka Maraykenka ayey Ilhan Cumar Ku Tilmaamtay Madaxwaynihii Horre Maraykenka Barak Obama “Dilaa Hadal Macaanaa”

Xildhibaanad ilhan Cumar ayaa Sidoo Kale Obama Ku sheegtay in uu Lahaa Siyaasadii Lagu Hirgaliyey in Waalidiinta Muhaajiriinta ah Caruurtooda Lagaga Reebo Xadka uu Maraykanku La Wadaago Dalka Mexico iyo Waliba waddama badan oo caalamka  ah.

Ilhan Cumar Waxay Sheegtay in aanu Jirin Wax Farqi ah oo u Dhexeeya Siyaasadaha Barak Obama iyo Donald Trump ee ku Jawan Dadka Soo Galootiga ah.

Hadalan Kasoo yeedhay Xildhibaanad Ilhan Cumar ayaa Noqon Kara Kuwo Culays Siyaasadeed ku Keeni Kara Gabdhaha Muslimiinta ah ee ku Nool Gudaha Dalka Maraykanka.

Madaxwayne Donald Trump ayaa Horre Ilhan Cumar ugu Dhaleeceeyay Qoraal ay Kusoo Qortay Bogeeda Twitterka oo ay Ku Dhaleecaysay Yuhuudda.

Madaxwayne Trump oo Ka Jawaabaya Qoraalka Ilhan Cumar ayaa Tilmaamay in aan Aqalka Baarlamaanka Maraykenka  Looga Baahnayn Qof yuhuud Nacayb aaminsan isaga oo Jeeda Xildhibaanad Ilhan Cumar.

Ilhaan Cumar iyo Rashiida Tlain oo ah labadii gabdhood oo muslim ah oo ugu horreysay oo ku biiro aqalka congresska hadallada isdaba joogga ee laga dhadhaminayo yahuud neceybka ayaa waxay ka careysiisay qaar ka mid ah xubnaha aqalka oo ay ka soo wada jeedaan xisbiga Dimuqraadiga.

ilhan Cumar oo Soomaaliyad ah iyo Rashida Daalib oo Kasoo Jeeda Dalka Falastiin ayaa Noqday Gabdhihii ugu Horeeyay ee Muslimiin ah oo Ku Biira Aqalka congresska ee Dalka Maraykenka.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga