73  Jir u dhashay Dalka Maraykanka,ayaa kasoo laacay 45 Sanno oo xabsi ah,ka dib markii si khaldan Xabsiga loo dhigay sannadkii 1972-kii,iyada oo Xiligaas lagu eedeeyay inuu Muwaadin kale  dil toogasho ah u geystay.

Xeer-beegti goboleed ayaa  Richard Phillips ku xukuntay Xabsi Madaxaa haku furto ah,iyada oo xiligaas da’diisu ahayd 27 Sanno Jir.Sheekaddan ayaa waxa si weyn u qaadaa dhigaysa Warbaahinta Maraykanka,waxaana arrintan ka dhashay su’aalo hor leh,kuwaas oo tibaaxaya suuragalnidda inay Waddanka maraykanka ka jiraan Kiisas noocan oo kale ah,kuwaas oo dalkaasi ka dhacay Xiliyaddii Kala-guurka Xukuumaddihii qarnigii tagay iskaga kala danbeeyay Xukunka Dalkaasi,maadama Dhacdani ay dhacday Xiligii dib loo dooranayay Madaxweynihii 37-aad ee Dalka Maraykanka Richard Nixon ee xukunka Dalkaasi hayay intii u dhexaysa sanadihii 1969-kii ilaa 1974-kii.

Xukunka Xadhigan oo ay riday Maxkamad ku taala Gobolka Majigaan ee Dalkaasi,ayaa waxa sannado badan ka dib la ogaaday in Ruuxa Dilka geystay  aanu ahayn Richard Phillips,balse uu ahaa Nin kale.

Xeer-ilaaliyaha guud ee Gobolka Majigaan,Dana Nessel,ayaa Bishii ina dhaaftay ee March go’aamiyay in Philips si qaldan loo xidhay,waxaanu  u xukumay Mag-dhaw Lacageed oo gaadhaya Hal Milyan iyo Shan Boqol oo Kun oo dollarka Maraykanka ah,waxana sannadkiiba loo qiimeeyay Mag-dhaw dhan 50,000 $..

Gabi Silvar oo ah Looyarka u doodaya Dhibanaha waxay  go’aanka ku tilmaamtay inuu yahay War wagaasan,isla-markaasna ay tahay Talabaaddii ugu saxnayd ee la qaadi lahaa,waxaanay intaas raacisay inay  Philips u rajanayo inuu kasoo kabto Muddo-noleedkaa dheer ee ka lumay,isla-markaasna inta Nolasha u hadhan uu ku noolaado Farxad iyo Xasiloonaan.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga