Wararka nagasoo gaadhaya Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa Sheegaya in Nin da’diisu tahay afartanka jir uu xalay kasoo dhacay dhisme ku yaalla degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho, Kadib Markii isagoo Hurdo Ku Jira uu Riyo Galay.

Ninkan oo aan la Sheegin magaciisa ayaa saaka laga soo qaaday dabaq kale oo gaaban, kuna dhegan dabaqii uu deggenaa ee uu Kasoo Dhacay, waxaana la sheegay inuu ka jabay laf dhabarta iyo qeybo kale oo jidhisa ka mid ah.

Mid Kamida Masuulyiinta Mamulka Gobolka Banaadir, ayaa Warbaahinta u sheegay in ninkan ay u gurmadeen, markii dadka deegaanka ku soo wargeliyeen.

Arrintan waxaa ayaa noqotay mid aad la isula wadaagay Baraha ay Bulshado Ku Kulanto iyadoo Sidoo Kalena laga hadal hayo caasimadda Muqdisho,  dhacdo naadir ah.

Jawaab noo reeb

fadlan halkan ku qor faalladaada
Fadlan halkan gali magacaaga